Rabshadaha u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada oo ku fiday dalka Jabuuti

Wararka ka imaanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in rabshadaha u dhaxeeyay Soomaalida iyo Oromada ee ka bilowday dalka Itoobiya uu hada gaaray dalka Jabuuti, waxaana dalkaasi maanta lagu weeraray dad Oromo ah.

Taliyaha booliiska dalka Jabuuti ayaa sheegay in la weeraray dad Oromo ah oo ku sugnaa magaalada Jabuuti, waxa uuna xusay taliyaha in dad oromo ah ay soo gaareen dhaawacyo fudud lana geeyay goobo caafimaad.

Waxa uu sidoo kale sheegay taliyaha in la xir xiray qaar kamid ah dadkii rabshadaha ku lugta lahaa ee weeraray dadka Oromada ,waxa uuna tilmaamay in ciidamada booliiska diyaar u yihiin in ay ka hortagaan in rabshado kale dhacaan.

Dalka Itoobiya gaar ahaan deegaanada ay wada degaan Soomaalida iyo Oromada ayaa waxaa ka taagan rabshado iyo dagaal dhiig ku daatay, waxaana laga cabsi qabaa in xaalada faraha ka baxdo ayna rashaduhu kusii fidaan dhul hor leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -